Safarka Madaxweynaha Oo Ay ku Wehilyaan Saraakiishii NISA ee Xiriirka la lahaa Eritrea

Somalia news

Madaxweynaha Somalia ayaa socdaalkiisa ugu horeeyay ee Adalalka gobolka ka bilaabay dalka Eritrea, halkaasoo uu galankii dambe ee shalay ku tagay booqasho afar cisho ah, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa dalkaas Isaias Afwerki…

U jeedka Safarka Madaxweynaha ayaa ah u kuur galida xaaladaha ku xeeran askar nidaamkii Farmaajo si qarsood ah tababar ugu geeyay Eritrea 2019-2020, kuwaasoo la dejiyay agagaarka Gergera Dam uns dhow degaanks Tera Emni, Madaxweynaha Wuxuu wada-hadallo labo-geesood ah oo ku aaddan xiriirka iyo iskaashiga labada dal la yeellan doona Afwerki, kaas oo tan iyo 1993 hoggaamiye ka ah dalkaas.

Safarka Madaxweynaha waxaa ka soo muuqday, mid ka mid ah saraakiisha NISA ee aadka ugu dhawaa Fahad Yaasiin, kaasoo lagu magacaabo Cabdirisaaq Maxamed Xaaji Maxmauud [Cabdrisaaq Eritrea] oo ka mid ahaa saraakiisha heysay feylasha ciidanka ku maqan Dalkaasi, bud-dhigna u ahaa xiriirka sirdoon ee labada dal.

Cabdrisaaq Eritrea, wuxuu ku barbaaray Casmara oo uu qaxooti ku ahaa muddo dheer, wuxuu ka mid ahaa safarkii Fahad Yaasiin bishii Feberaayo ee sanadkaan ku tagay Baladweyne, sidoo kale wuxuu raadinayay kursiga HOP#274, kaasoo uu dib ugu guuleystay, Habdhowraha Golaha Shacabka Maxamed Cabdullaahi Xasan [Nuux].

199730cookie-checkSafarka Madaxweynaha Oo Ay ku Wehilyaan Saraakiishii NISA ee Xiriirka la lahaa Eritrea
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com