NISA Oo Wariyayaal Xarig Iyo Hanjabaado U Geystay

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa koox Hubeysan oo ka tirsan Hay’adda Nabadsuggidda ee NISA ay xir-xiray weriiyeyaal soo tebin lahaa bannaanbax looga horjeeday Maamulka Fashilmay ee Farmaajo, falkaan ayaa la sheegay inuu kala Dhacay 15-Kiu bishaan iyo 17-kii….

Wararka ayaa sheegay in Dabley Hubeysan oo dharcadka Nabadsugidda ka tirsan ayna wehliyaan askar Boliis ah oo hubeysan ayaa xiray 4-6 weriye oo kala ah, iyadoo wariyeyayaasha magacyadoodu la helay ay kala yihiin:-

-Cali Cilmi Salaad iyo Sakariye Maxamed Salaad oo ka tirsan Radio Kulmiy.

-Abuukar Axmed Xasan (Dayax) iyo Cabdirisaaq Cali oo ka tirsan Dalsan TV.

Wariyayaashaan ayaa ku sii jeeday goob uu ka dhacayey Banaanbaxyo kana tirsan degmada Kaaraan, sida uu sheegay ururka suxufiyiinta SJS.

Xoogaga Amaanka ee NISA ayaa joojiyay Wariyayaashaan oo waddada socday kadibna ku billaabay inay garaacaan iyagoo su’aalo ka weydiiyay shaqada ay u socdeen. Weriyayaasha ayaa lagu xiray Saldhigga Boliiska Degmada Cabdicasiis, waxaana la siidaayey saddex saacadood kaddib iyagoon wax eedeyn lagu oogin. Qalabkoodii shaqada (telefoonnada iyo kaamirooyinka) oo laga qaatay markii hore ayaana dib loogu soo celiyay.

79710cookie-checkNISA Oo Wariyayaal Xarig Iyo Hanjabaado U Geystay