Share the post "Bulshada Degmada Boosaaso oo Dhegaha ka Fureystay Is-Diiwaangelinta Doorashada"
Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ataa sheegaya in Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland oo isku dayay inuu qabto kulan lagu wacyi gelinaayo Bulshada Magaaladaasi iney is-diiwaangeliyaan ayaa qiray iney u soo bixi waayeen..
Afhayeenka Guddiga Mr.Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq ayaa sheegay in Dadweynaha Magaalada ay iska wataan maareynta Howlahooda maalinlaha ah, ayna ka baaqsadeen baaqo loo jeediyay iney is diiwaan geliyaan, “Suuqa ayaan tagnay hal Qof oo noo soo dhaqaaqay ma jiri”.
Is-Diiwaangelintaan oo hal dhinac ah ayaa waxaa diiday Xisbiyada Mideeye, Horseed, Dhalinyarada, iyo Shaqaalaha, waxeyna ku eedeeyeen Maamulka Dani inuu qabanaayo Doorasho dhinac ah Danta uu kaleeyahayna ay tahay muddo korarsi, iyadoo Bilihii ugu dambeeyay ay soo shaac baxaayen qeylo dhaan ah in aan Degaanada la gelin “ Firaaqo Dastuuri ah”.