Ma Dhabaa in Dowladda Kenya Ku Martigelineyso Garabyada Mucaaradka ee ka Soo Horjeeda Villa Somalia

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Garabyada Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah Maamulka Xasan Gurgurte ay si hoose u wadaan Olole ay ku doonayaan iney ku mideeyaan aragtidooda ku aadan Sida ay uga soo horjeesan lahaayeen Dowladda Federaalka, waxeyna ku qulqulayaan magaalada Nairobi…

Wararka ayaa sheegay inuu socdo kulamo hoose oo lagu diyaarinaayo sidii ay ugu qabsan lahaayeen magaalada Nairobi Shir Guud oo lagu mideynaayo afkaarta kala duwan ee Garabyadaan, waxaana ka sheegay in Maamulka Ruto uu la dhacsan yahay in Caasimadooda geedi fadhi ka dhigtaan Kooxaha Mucaaradka Somalia.

Kulankaan ayaa lagu wadaa iney ka soo qeyb galaan Madaxweynayaashii hore Sheekh Shariif, Maxamed Farmaajo, Ra’iisul wasaarayaashii hore Cumar Cabdirashiid, Cavdiweli Gaas iyo Xasan Cali Kheyre, Kulankaan ayaa la sheegay iney ka soo qeyb gali doonaan Madaxda Maanulada Konfur galbeed, Galmudug iyo Puntland.

Maamulka Ruto ayaa la sheegay inuu u diyaariyay dhaqaalaha ku baxaaya qabashada Shirkaan, waxaa sidoo kale la sheegay in Siyaasiyiinta ay ka doo horjeedaan Dagaalada ka socda degaanada Maamul Goboleedyada Hirshabelke iyo Galmudug, iyagoo u arka ineysan faa’iido ugu jirin guulaha dib u xoreynta degaanada ay sanooyinka badan heysteen Kooxaha Argagixisada Shababka.

237710cookie-checkMa Dhabaa in Dowladda Kenya Ku Martigelineyso Garabyada Mucaaradka ee ka Soo Horjeeda Villa Somalia