Warar dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya kulamo qarsoodi ah oo Villa Somalia ka dhacay 2-dii maalmood Ee ugu dambeeyay kuwaasoo u dhaxeeyay Farmaajo, Boqor Buurmadow iyo Maareeye, iyadoo la sheegay in Mr.Maareeye lagu qanciyay inuu dib ugu biiro Kooxda Farmaajo..
Xogtaan ayaa u xaqiijisay in Mr.Maareeye uu dagaal Siyaasadeed adag la galay Farmaajo iyo Mahdi Guuleed, muddo sanad hadda laga joogo isagoo booskiisa loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Dubbe Oo hadda u noqday Senator Baarlamaanka cusub, Khilaafka ayaa la sheegay inuu gaaray heerkii ugu hooseeyay.
Ilo wareedkaan ayaa sheegay in Boqor Buurmadow oo dhowaan soo gaaray Magaalada Mogadishu uu kulamo la yeeshay Farmaajo iyo Fahad, waxaana culeys lagu saaray inuu dib u soo celiyo Mr.Maareeye, iyadoo la sheegay in Xaal marin lacageed la siiyay Maareeye, waxaana loo xil saaray inuu Ololaha Dib u Doorashada Farmaajo uu qeyb ka noqdo siiba Xildhibaanada iyo Senatorada Waqooyiga.
Caqabadaha iyo Welwelka Farmaajo & Fahad heysta ayaaah ineysan aamini karin Mr.Maareeye, waxeyna ku sababeeyeen inuu wato shuruudo adag oo ay ka mid tahay in la siiyo Jagada kuxigeenka Ra’iisal wasaaraha, waana sababta lagula coloobay Mr.Maareeye, iyadoo Mahdi Guuleed uu taageero weyn ka heysto Ethiopia.