Tiro Maxaabiis ah Oo Ka Baxsatay Xabsi Ku Yaal Kenya

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in tiro Maxaabiis ah oo lagu xukumay Xabsi Dheer ay u suurto gashay iney ka baxsadaan Xabsi aad loo ilaaliyo Ee Kamiti oo ku yaal Magaalada Wajeer ee dhulka Soomaalida degto..

Bayaan kasoo baxay, Hogaanka Baarista Dembiyada (CID) ee Kenya ayaa lagu sheegay in Mohamed Ali Abikar, Joseph Juma Odhiambo iyo Musharaf Abdalla Akhulunga, Maxaabiista an ayaa uu u xirnaa iney ku lug lahaayeen weerarkii 2015 lagu qaaday Jaamacadda Garissa oo ay ku dhinteen 148 qof oo badankood ahaa arday, weeraro fashilmay iyo ku biirista kooxaha argagixisada, waxaana madaxooda la dul dhigay 20-Million Shilinka Kenya, cidii gacan ka geysata Wararka la xiriira goobaha ay ku sugan yihiin Dembiilayaashaan.

Kooxda Argagixisada Shababka ayaa weeraro joogto ah ka fulisay Kenya iyo Somalia si ay ugu cadaadiso ugu saaraan Dowladaha In Ciidamada Amisom iyo kuwa kale laga saaro Dalka, Kooxda argagixisada Shababka weli kama hadlin baxsashada Mohamed Ali Abikar oo dhabarjab weyn ku ah Kenya.

150980cookie-checkTiro Maxaabiis ah Oo Ka Baxsatay Xabsi Ku Yaal Kenya