Cabsi Ka Taagan Dhuusa mareeb & Deni Ka Degay Cadaado

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa sababta Loogu wareejiyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado Wafdiga Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland, iyadoo qorshu ahaa inuu ka degto Magaalada Dhuusa mareeb, Xaalada Amaan ee Garoonka ayaa la sheegay in aan la isku haleyn karin….

Ilo wareedyo loo qaateen ah Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Maanta uu qarax ka dhacay Garoonka diyaaradaha Ee Magaalada Dhuusa mareeb oo amaankiisa u Xil saaran yihiin Ciidamo isku dhaf ah oo kuwa Ethiopia iyo Jabuuti.

https://fb.watch/3p30m7H3bj/

Saraakiisha Amaanka Ee Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland ayaa kula taliyay inuu Cadaado ka dego, waxaana halkaasi durbadiiba tagay qaar ka mid ah Ilaalada Madaxweynaha kuwaasoo ku hubeysan Gaadiidka Dagaalka, waxeyna u soo galbinayaan Magaalada Dhuusa mareeb ( Safar dhulka ah).

91690cookie-checkCabsi Ka Taagan Dhuusa mareeb & Deni Ka Degay Cadaado