Somalia Oo Kaalinta Hore Ka Gashay Dalalka Aan Soo Qaban Dembilayaasha..

Somalia news

Warbixin ay soo saartay Guddiga Difaaca Wariyayaasha ayaa lagu sheegay in Shaqsiyaadka ka dambeeya dilalka Wariyayaasha aan caddaalada la horgeyn oo ay si xor ah isaga socdaan meel walba oo ay doonayaan ku tagaan..

Tobankii sano ee la soo dhaafay, CPJ waxay diiwaangelisay 278 dil oo Wariyayaal ah, 81% kiisaskaas, qofna weligii looma qaban dembiga, isla markaasna lama horgeynin Maxkamad.

“Tani waxay fariin xun u diraysaa saxaafadda, sababtoo ah dawlad kasta, koox kasta oo dambiilayaal ah oo rabta inay aamusiso saxafiga, waxay sidaas ku samayn kartaa dhawr kun oo doollar si ay u shaqaaleysiiso gacan-ku-dhiigle,” waxaa sidaas u sheegay VOA Robert Mahoney oo ah ku xigeenka agaasimaha fulinta ee CPJ.

Warbixinta ayaa Sanadkaan waxa lagu muujiyay in wadamada Somalia, Syria iyo Irak ay kaalinta koowaad kaga jiraan liiska kuwa ugu yar ee lala xisaabtami karo ee ah gacan ku dhiiglayaasha dila Wariyayaasha, Iyadoo Shanta waddan ee ugu daran dhammaantood la tacaalayaan xasillooni-darro siyaasadeed.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in tobankii sano ee la soo dhaafay dalka Somalia ay ka socdeen dagaallo, in lagu qiyaasay 70 wariye oo siyaabo kala duwan ugu geeriyoodeen, iyadoo falal 25-dil aan la xalin, talaabadaan ayaa u muuqata mid aan khatar ku ah Wariyayaasha iyo meheradooda.

148240cookie-checkSomalia Oo Kaalinta Hore Ka Gashay Dalalka Aan Soo Qaban Dembilayaasha..