Degdeg:- Dagaal Dib Uga Qaraxay Kaxandhaale

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Degaanka Galinsoor ee Galmudug ayaa sheegaya in Maleeshiyaad ka soo jeeda Beesha Madaxweynaha ay saakay weerar ku qaadeen Degaanka Kaxandhaale oo ka tirsan Gobolka Galguduud…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in 3- qof oo ka soo jeeda Beesha Sacad Gaadmo lagu dilay halka tiro aan la cayimin oo Dhaawac ah ka soo gaareen Weerar gaadmo ah oo ay soo qaadeen Maleeshiyaad hubeysan oo Beesha Mareexaan. dagaalka ayaa salka ku haya dhul daaqsin ah, iyadoo labada beelood ay kala degaan Galinsoor iyo Dhabad.

Wararka ayaa intaasi raacinaaya in 2-qof oo rayid ah oo ka soo jeeda Beesha Sacad la la yahay, Dagaalkaan maleeshiyaadka Beesha Mareexaan ayaa ku soo beegmay Xilli Uu Gobolka joogo Mr.Farmaajo, waxaana la sheegay in Xaalad Kacsanaan iyo abaabul laga dareemay Degaanka Galinsoor.

Colaadaan ka soo cusboonaatay degaanka ayaa la sheegay iney carqaladeyn ku nonqon doonto degaanada la xoreynaayo Maleeshiyaadka kooxda Shababka ee Bacaad weyn iyo degaanada ku xeeran, iyadoo Ciidamo badan oo degaankaasi ku sugan ay ka soo jeeda degaanka Galinsoor.

91590cookie-checkDegdeg:- Dagaal Dib Uga Qaraxay Kaxandhaale