Calaadad u Dirirka:-Kiiska Kufsiga Wiil 7-Sano Jirka ah & Cadaalad La’aanta ka jirta Degaanada Puntland..

Security Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa in degaanada Maamulka Puntland oo ah maamul-goboleedka Soomaaliyeed, ay ka dhaceen kiisas naxdin leh oo ku saabsan kufsi, waxaana ugu daran mid loo geystay wiil 7 jir ah oo ka soo jeeda Beelaha laga tirada badan yahay, kaasoo daaha ka qaaday fashilaad muuqda oo ku yimid hannaanka Sharciga, Garsoor iyo haykalka dawladnimo ee loogu talagalay in lagu ilaaliyo muwaadiniinta jilicsan…

Kiiskan oo soo jiitay dareenka Qeybaha u dooda xuquuqal insaanka, waxaana lagu soo bandhigay ma ahan oo kaliya naxdinta ay leedahay xadgudubyada jinsiga ee ka dhanka ah carruurta, balse waxa ay sidoo kale muujinaysaa takoorka qabyaaladda ee qotoda dheer oo inta badan go’aamiya in caddaalad lagu dhaqmo iyo in kale, Eedeysanaha falkan geystay oo ka soo jeeda Beel saameyn ku leh awoodaha Maamulka, ayaan weli wax dacwad ah lagu soo oogin, waxaana qoyska wiilka loo muujiyay in wax raad ah cadaalad ah ay helaan kadib markii la iska dhaga-tiray codsigoodii cadaaladda helida.

Iyadoo Maamulka Puntland iyo Xafiisyada Amniga iyo Garaoorka ay ka gaabiyeen iney wax ka qabtaan Kororka Dembiyada Kufsiga, Isla xisaabtan la’aanta xadgudubyada galmada iyo takoorka qabyaaladda ayaa walaac xooggan ka muujinaya ku dhaqanka sharciga in degaanada Puntland loo siman yahay, waxaa Maamulka iyo Hey’adaha Amniga iyo Garsoorka Mas’uuliyad ka saaran tahay bad-qabka Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee degaanadaasi ku nool gaar ahaan kuwa aadka ugu nugul ku dhaqangelinta sharciga si dhexdhexaadnimo ah.

343140cookie-checkCalaadad u Dirirka:-Kiiska Kufsiga Wiil 7-Sano Jirka ah & Cadaalad La’aanta ka jirta Degaanada Puntland..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *