Xabsiyada Sacuudiga Oo Lagu Dhibaateeyo Maxaabiista

Somalia news

Dalka Sacuudiga ayaa waxaa si joogta ah looga soo tarxiilaa Tahriibayaal Afrikaan ah oo dalkaas ku galay qaab sharci darro ah, uguna shaqeysta, waxaana lagu Eedeeyay Ciidamada Amaanka in Maxaabiista ay ula dhaqmaan si ka baxsan Shuruucad, Xeerarka Caalamka iyo xuquuqda Aadanaha….

Dhalashada dadkaan waa Soomaali, Ethiopian, Eritrean iyo Yemeniyiin, inkastoo ay jiraan shaqsiyaad kooban oo kasoo jeeda dalal ay kamid tahay Nigeria oo ku sugan Boqortooyada Sacuudiga.

Xayiraadda duullimaadyada iyo kala fogeynta dadka sabab ka dhalatay cudurka Covid-19 ayaa saameyn ku yeelatay maxaabiista ku xiran xabsiyada oo aan warba ka heyn xaaladda cudurka, xitaa ma helaan dhaqaatiirtii daweyn jirtay marka uu qof kamid ah xannuun qabto, sababtu waa in ay ka cabsadeen faafitaanka Cudurka Coronavirus.

Mid kamid ah Muwaadiniinta Ethiopian-ka ah oo la hadlay Wakaaladda Wararka Mareykanka ee loosoo gaabiyo AP ayaa ka sheekeeyay xaaladda aan wanaagsaneen ee nolosha xabsiga uu ku xiran yahay.

“Maalin waliba waa nala yeeriyaa, waana nala garaacaa, waxa aan ku xiranahay xabsi u dhaw Magaalada Riyaad caasimadda Sacuudiga, dad reer miyi ah oo xoolo dhaqato ah ayaa ila xiran, qashinka ayaan dul jiifanaa oo xabsiga lagama qaado, musqusha ayaan biyaha ka cabnaa, Rag, Dumar & Carruur waa loo siman yahay ciqaabta”.

64310cookie-checkXabsiyada Sacuudiga Oo Lagu Dhibaateeyo Maxaabiista