Qoraalka Dowladda Federaalka Iyo Saameynta Safarada

Somalia news

Waxay u muuqata inay Maamulka Farmaajo oo adeegsanaaya Hogaanka Socdaalka ay soo saareen Qoraal lagu xakameynaayo Safarada ay Mas’uuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka, isla markaasna xariga laga jaray dagaalka ka dhanka ah Kenya, Iyadoo Qoraalkaasi si adag loogu digay Muwaadiniinta iyo Diblomaasiyiinta Kenya Ee doonaya iney safar ku yimaadaan Dalka Somalia…

Xeeldheerayaasha ka faalooda Arrimaha gudaha Ee Somalia ayaa ku tilmaamay in qoraalkaan uu yahaymid wadada u xaaraya “cadaawad cusub oo la rabo in Hogaanka dalka ay ku galaan olole doorasho”, Isla markaasna lagu rati kacsado, iyagoo ka digay in xakameynta dhaqdhaqaaqyada Siyaasiyiinta Mucaaradka ay horseedi karaan Dagaalo sokeeye.

Saameynta Go’aankaan:-

Go’aankaan ayaa sidoo kale saameyn ku yeelan doona Wasiirada iyo Xildhibaannada iyo Saraakiisha Ciidamada Ee ka tirsan dowladda Federaalka ee heysta Baasaboor Kenya.

77230cookie-checkQoraalka Dowladda Federaalka Iyo Saameynta Safarada