Caqabadaha Ku Xeeran Fulinta Heshiiska Doorashada

Somalia news

Khilaafkii Doorashada ee soo bilaawday Bishii Juun 2020 ayaa shalay soo idlaaday kadib markii qalinka lagu duugay Heshiiska Doorashada dadban, Mudadaasi Waxaa ka dhacay Dalka Shirar badan oo Fashilmay, muddo kororsi, dagaal dhiig ku daatay, is-maquunin Siyaasadeed iyo Banaanbaxyo ka dhacay Caasimadda…

Waxeyna saxiixdeen Heshiis saldhigiisu yahay 17-ka September iyo kii Baydhabo, waxaana lagu heshiiyay in muddo 60-maalmood gudahood lagu qabto doorshada dadban, iyadoo ay soo shaac baxayaan caqabado iyo cabsi laga qabo in Doorashadu noqoto mid dhiig ku daata, maxaa yeelay Waxaa weli muuqda boogihii iyo dhaawacyadii ay reebeen Khilaafka Doorashada.

Doorashada Xildhibaanada Reer Waqooyiga:-

Waxaa soo shaac baxaaya in Xubnaha ka soo jeeda Gobolada Waqooyiga Dalka la isku qasbay oo meel dhexdhexaad ah la isugu keenay, iyadoo kala qeybsaday Guddiyada kala duwan Ee Doorashada waxaana kor ka maamulaaya Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed, mar walba iney is qabsadaan Waa macquul, waxaana la filayaa in Shaqada Maamulka ay dib ugu laaban karto Golaha Wada tashiga Qaran.

Arrimaha Amaanka & Ciidamada:-

Waxaa lagu heshiiyay in Amniga Doorashada loo dhiso Guddi gaar ah, ayaa isna keeni kara caqabad, iyadoo Farmaajo uu weli yahay Taliyaha guud Ee Ciidamada, Hogaanka ay maamulaan Taliyayaal isaga daacad u ah, Waxaa intaasi Dheer Ciidamo daacad u ah ayaa ku sugan Gobolada Doorashada ka dhacayaan qaarkood, waxey ay fali doonaan Ciidamadaasi marka uu tartamaayo Xildhibaan daacad u ah Farmaajo ayaa la ogeyn iyo Sida looga badbaadi doono caqabadahooda gaarka Waa su’aal taagan.

Sidoo kale Guddiyada Amniga goobaha Doorashada ayaa iyaduna su’aal ka imaan doontaa, iyo Sida loo xalin karo, ku darsoo Ciidamada Ethiopia Ee goobaha qaarkood ku sugan ayaa laga cabsi qabaa iney fara geliyaan Dooraahada una boobaan Xikdhibaanada Farmaajo taageersan.

121330cookie-checkCaqabadaha Ku Xeeran Fulinta Heshiiska Doorashada