Shacbiga Degaanada Puntland Oo Baafinaaya Hogaankii Maamulka oo Muddo ka Maqan…

Somalia news

Shacbiga degaanada Puntland ayaa maalmihii ugu dambeeyay is-weydiinaayay halka uu ku dambeeyay Madaxweynahoodii Maamulka (Mr.Deni) oo in ka badan 60-maalmood ka maqan degaanka, markii ugu dambeysana lagu sheegay inuu Dalka UAE joogay…

Dastuurka degaanka (Puntland) ayaa xusaaya in Madaxweynaha Maamulka uusan ka maqnaan karin in ka badan hal bil oo xiriir ah, balse hadda waxaa la sheegay iney kaba jibaarantay, iyadoo ilo wareedyo loo qaateen ah ay xaqiijiyeen in Mr.Deni uu isku soo xiray Guri uu ku leeyahay magaalada Shaariqa ee UAE uusan ka war heynin (Dayacay) Degaankii loo doortay inuu Hogaamiyo Maamulka.

In muddo ah ayaa la sheegaya in Maamulka Puntland looga digaayay iney noqoto hubanti la’aan siyaasadeed isla markaasna la tala geliyay Odaaaysha Dhaqanka, Siyaasiyiinta Degaanka iyi Xisbiyada ka dhisan degaanka si looga tashto Masiirka Shacbiga xiliga kala guurka si nabad ah, iyadoo Golaha Wakiilada ee wakhtigiisa sii dhamaanayo aysan weli ansixin lifaaqa Doorashada, waxeyna qaarkood u u ololeynayaan Muddo kordhin hal sano ah.

278020cookie-checkShacbiga Degaanada Puntland Oo Baafinaaya Hogaankii Maamulka oo Muddo ka Maqan…