Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya magaalada B/weyn ayaa sheegaya In Caruur badan oo Xaalada Caafimaad darro soo wajahay kuwaasoo uu soo ritay Cudurka Shuban Biyoodka.
Caruurta Cudurka Shuban biyoodka la ildaran ayaa waxaa lagu dabiibayaa qeybo ka mid ah Isbitaalada Magaalada Beledweyn waxaana xaaladooda kula tacaalaya Dhaqaatiirta Magaalada kuwaa oo sheegaya in ay san haysan dawo iyo qalabka ku filan si ay Bukaanada ula tacaalaan.
Caruurta uu shubanku soo ritay ayaa waxa ay yihiin kuwo aad u yar yar waxaana la ogayn waxa cudurkaan uu ka dhashay waxaase Dadku kuu sheegayaan inuu ka dhashay Biyo wasaqaysan oo ay cabeen.
Waxaa loogu baaqayaa Qeybaha U xil saaran ee Dowlada Federaalka iyo Hey’addaha Gargaarka iney la soo gaaraan Gurmad Caafimaad si loo badbaadiyo Caruurta Soomaaliyeed ee ku dhibateysan Magaalada B/Weyne.