Ma Dhabaa in Deni uu Casumaad u Fidiyay Mas’uuliyiinta Ethiopia Xaflada Caleemo Saarkiisa…

Somalia news

25-ka Bishaan waxaa lagu wadaa inuu Magaalada Garoowe in la qabto Xaflada Caleemo saarka Mr.Deni oo markii 2-aad loo doortay inuu Maamulka Puntland hogaamiyo kaasoo Lagu qabanaayo Magaalada Garoowe, iyadoo Marti sharaf badan hab Email-ahaan loogu diray ka soo qeyb galka Xaflada inkastoo Deni la sheegay inuu ka biyo diiday iney ka soo qeyb galaan Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka iyo Madaxweynaha Jubbaland..

Xogo loo qaateen ayaa daaha ka rogaaya in la-taliyayaasha Deni ay ku cadaadinayaan inuu Casumaad u diro Mas’uuliyiinta/Saraakiisha Ciidamada Dowlada Ethiopia si ay uga soo qeyb gasho Munaasabada, Tuhuno badan ayaa tilmaamaya in Maamulka Puntland ka gaabsatay iney mowqifkeeda caddeyso Dhul/Xeeb boobka damaca Dowlada Ethiopia ee lidiga ku Qaranka Soomaaliyeed.

Khabiiro Soomaaliyeed ayaa aad uga walaacsan xiriirada hoose ee Maamulada Gobolada Dalka ay la leeyihiin Ethiopia, iyadoo ilo wareedyo ay sheegayaan in Maamulada Konfur galbeed iyo Puntland ay xiriir joogto ah la leeyihiin Ethiopia taasoo dhibaato ku ah in Dowlada Federaalka oo todobaayadaan dadaalada iyo Ololaha Caalami ah ay wado si go’doon Siyaasadeed loo geliyo Maamulka Abiy ee Addis abeba kaasoo ku indha cad inuu Xoog iyo xeeladba ku helo Xeebaha Dalka

302710cookie-checkMa Dhabaa in Deni uu Casumaad u Fidiyay Mas’uuliyiinta Ethiopia Xaflada Caleemo Saarkiisa…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com