Khilaaf U Dhaxeeya Maamulka Yaaqshiid..

Uncategorized

Mudooyinkii ugu dambeeyay Waxaa Khilaaf xoogan uu ka taagan yahay Maamulka degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, iyadoo gebi ahaan Istaageen howlihii degmada ka socday kadib Muran m soo kala dhex galay hogaanka Degamada.

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Khilaafkaan uu Curyaamiyay Howlihii bulshada loo hayay ayaa wuxuuna si gaarka uga dhexeeyaa Gudoomiyaha Deggamada Yaaqshiid Muuse oo ka mid ah raga ugu sareeyay Xoogaga Wadaniyiinta Farmaajo iyo Gudoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada Degmada waxaana ay hada xaaladu ay ku dhowladay in ay Gacanta iskula tagaan hadii aanan Mdaxda sare ee Gobolku ku soo bixin.

Odayaal is xilqaamay oo Katirsan waxgaradka degmada ayaa waxa ay isku dayeen in ay arintaa ku baxaan si wax looga qabta Khilaafkaan curyaamiyay Shaqadii Shacabka loohayay balse isku daygii Dhaqanka Degamada ma uusan guulaysan sababtuna waxa ay tahay in ay labaduba dhegaha ka furaysteen baaqii loo jeediyay oo ahaa in ay nabada qaataan.

16540cookie-checkKhilaaf U Dhaxeeya Maamulka Yaaqshiid..