NISA Oo Shaacisay Khilaaf u Dhaxeeya…

Uncategorized

Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa qoraal ay caawa soo saartay shaaca uga qaaday khilaaf xoogan uu ka dhex jira kooxda Shabaab, kaasoo horseeday iskudhac weyn.

Qoraal ay NISA soo dhigtay barteeda twitter-ka ayay ku sheegtay in Horjoogaha Shabaabka, Axmed Diiriye uu kuxigeenkiisii Mahad Karataay iyo Bashiir Qoorgaab ka saaray golaha fulinta kooxda Shabaab, kana xayuubiyay dhammaan xilalkii ay ka hayeen kooxda.

NISA ayaa sheegtay in sababta uu Axmed Diiriye u qaaday tallaabadan ay tahay kadib markii ay ka dalbadeen “joojinta qaraxyada joogtada ah ee lagu beegsado shacabka magaalada Muqdisho.”

NISA ma aysan bixin wax faah-faahin ah oo intaas dheer, mana shaacin sida ay ku heshay xogtan xasaasiga ah ee kooxda Shabaabka dhexdiisa ka timid, Sidoo kale ma jiraan ilo-wareedyo si madax-banaan u xaqiijin kara warkan.

Hase yeeshee, qoraalkan ayaa imanaya ayada oo kooxda Shabaabka ay sheegatay weerarkii 28-kii December ee Ex-Control Afgooye ee Muqdisho, kaasi oo lagu dilay in ka badan 80 qof oo badankood ahaa dad shacab ah.

14840cookie-checkNISA Oo Shaacisay Khilaaf u Dhaxeeya…