Ciidamada DF & Koox Hubeysan Oo Ku Dagaalamay Mogadishu

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga soo sheegayaa Iska horimaad dhexmaray Ciidamada Dowladda & koox hubeysan oo xalay ka dhex maray Xaafadda SOS Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir kadib markii kooxdaasi ay weerareen bar kontorool oo ay joogeen ciidamada Amaanka…

Wararka ayaa sheegaya in Dadka deegaanka oo xiliga uu iska horimaadka dhacayay in aysan jirin dhaq-dhaqaaq sidaas u badan oo dadka rayidka ah, waxaana ay intaas raaciyeen in waxyeelada inta ugu badan gaartay dhinacyada dagaalamay, inkastoo aan si dhab ah loo xaqiijin karin.

Muddo kadib, Ciidamada Dowladda ayaa sameeyay baaritaan ay ku raadinayaan shaqsiyaadka ay ku tuhmayaan in ay qayb ka ahaayeen weerarka ka dhacay Barta ay joogeen sida ilo kala duwan Diinah.com news ay u xaqiijiyeen.

Magaalada Mogadishu ayaa habeenadii ugu dambeeyay noqotay Goob ay isku ugaarsadaan Ciidamada Dowladda iyo Kooxaha Mucaaradka Ee Hubeysan, waxaana laga dareemay duuleedka bariga Magaalada dhaqdhaqaaqyo iska soo horjeeda, kadib markii ay Dowladda Federaalka ay ku dhawaaqday iney qabaneyso Doorasho Hal dhinac ah.

86190cookie-checkCiidamada DF & Koox Hubeysan Oo Ku Dagaalamay Mogadishu