Haweeney 2-Habeen Ku Hoyatay Albaabka Safaarada Qatar

Somalia news

Haweeney horay musharax ugu aheyd mid ka mid ah madaxtinnimada Dowlad Goboleedyada ayaa labadii habeen ee lasoo dhaafay waxaa ay ku bariday albaabka safaaradda Qatar ee Muqdisho iyada oo ka cabaneysa siyaasadaha Dooxa ee ku aadan Somalia

Suuban Mahad Dirir, oo horay u aheyd musharax Madaxweynaha Jubbaland ayaa in ka badan 48 saac waxaa ay hor fadhisay safaaraddan iyadoo sheegtay in la diiday in laga dhageysto cabashadeeda taa badalkeedana ay ilaalada si xun ula dhaqmeen.

Suuban, ayaa intaa ku dartay in sababta ay safaaradda Qatar ugu bariday habeenno ay tahay in ay cambaareyso dhaqanka siyaasadaha Dooxa ee ku aadan Somalia, waxay sidoo kale eedeyn u jeedisay Fahad Yaasiin oo ah Agaasimaha NISA.

Dirir waxaa ay ku doodday in maamulka Dooxa uu mar kasta faragelin ku hayo arrimaha siyaasadda dalka, isla markaana uu go’aamiyo cidda Somalia madax ka noqoneysa, haatanna la gaaray in la kala caddeeyo, waxaa kale oo ay xummaan iyo dhibaato kale u aragtaa in Dooxa ay olog ku yeelato gudaha, taasi oo sida ay qabto waxyeeli karta qarannimada iyo madaxbannaanida Dalka.

121730cookie-checkHaweeney 2-Habeen Ku Hoyatay Albaabka Safaarada Qatar