Dowladda Federaalka Oo Lagu Eedeeyay Dhaqaale La Dhacay

Somalia news

Warbixino la helay ayaa muujinaaya in Mudo laga joogo labo sano iyo bar ay wadamo ay ku jirto dalka Switzerland waxey dowlada Federaalka Somalia ugu deeqeen dhaqaale lagu taageeraayo dhinacyada dhismaha  Cadaaladda, Shaqo u abuurista Shacbiga, ka hortaga Xagjirnimada iyo airmaha la xiriira Baraarujinta Bulshada…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com u xaqiijisay in dhaqaale dhan 5.35 Million oo ah lacagta Midowga Yururb ama Euro oo u dhiganta $6.5 Milyan oo ah  lacagta US$ ayaa loogu deeqay dowlada Somalia, waxaana loogu talo galay in looga caawiyo arimaha dib u dhiska Cadaalada iyo ka hortaga waxa lagu sheegay Xagjirnimada iyo is dhexgalka Bulshada.

Dhaqaalahaasi oo xiligaas lasoo mariyay Wasaarada Cadaalada iyadoo la isticmalayo  haya’ddo gaar loo leeyahay laakiin lala socodsiiyay Wasaaraadda Maaliyada ayaa waxa si toos ah lacagtaas gacanta loogu galiyay Mr.Farmaajo iyo Mr.Xasan Cali Kheyre, iyagoo go’aan ka gaaray qaabka ay ku baxeyso, waxaana la sheegay in lagu shubtay Account-no gaar ah, iyadoo laga weeciyay qorshihii loogu talagalay in lagu bixiyo.

Dhaqaalahaan ayaa la sheegay in Seminaar Hal maalin ah loo qabtay Muxaadaro uu soo diyaariyay Wadaadaka Sheekh Mohamed Ibrahim Ali (Kenyawi) uu garoonka Cayaaraha ee  Stadiyo Koonis uu shacabka kula hadlo, iyadoo inta uu joogo magalaadda Muqdisho ay dowlada Fedraalka ay qabto dhaqalaha ku baxayo joogitaankiisa iyo kulamadiisa.

Wadaadka Sheekh Kenyaawi ayaa waxa la siiyay dhaqaale yar oo sooryo ah oo aanan ilaa iyo hada anaan helin cadadeeda, Waxa kale oo Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo u sheegtay Shiikh Kenyawi iney ka caawinayso in uu safar booqosho ah ugu tago Gobolada Puntland iyo Soomalida ku dhaqan qurbaha, dowladana ay u fududeeynayso Visaha dalka ku galka.

86220cookie-checkDowladda Federaalka Oo Lagu Eedeeyay Dhaqaale La Dhacay