Ma Dhabaa in Xiriirka Kubada Cagta France uu soo Saaray Amaro Ciyaartoyda Sooman looga Joojinaayo Ciyaaraha..

Africa News Sports World

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa amaro qalafsan oo ay soo saareen Xiriirka Kubada Cagta ee Dalka Faransiiska kaasoo ku amray Tababarayaasha Xulalka Da’doodu ka hooseyso 21-jirada ineysan u yeerin ciyaaryahan kasta oo go’aansaday inuu soomo bisha Ramadaan hadii uu diido inuu furo soomka, haddii kalena laga saaro Xulka lagana tarxiilo Dalka France…

Xiriirka Kubada Cagta Fransiiska ayaa Go’aankan cadaalad-darrada ah iyo takoorka ku dhisan, ayaa saameeyay Cayaartoyga da’da yar, Mahamadou Diawara oo u ciyaara kooxda Lyon, kadib markii laga saaray kooxda U-19 inkastoo ee loogu yeeray, wuxuuna ku adkeystay inuusan afuro doonin si kasta oo culeys loogu saaro inuu joojiyo Soonka.

Guud ahaan Dowladda France iyo gaar ahaan Xiriirka Kubada Cagta dalkaasi ayaa caan ku ahaa Midab kala sooc iyo Faquuq Cayaartooyada iyo Dadka ka soo jeeda Africa iyo Carabta, laakin talaabadaan culeyska lagu saaraayo Cayaartoy inuu si qasab ah u joojiyo Soonka waa ku xad gudib Xuquuqda Qofka & xuruyadiisa.

316280cookie-checkMa Dhabaa in Xiriirka Kubada Cagta France uu soo Saaray Amaro Ciyaartoyda Sooman looga Joojinaayo Ciyaaraha..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com