Maxaa Kala Heysta Aalada “Caqliga Macmalka-AI) & Shaqaalaha Qeybaha Wax soo saarka ee Warshadaha…

U.S. World

Waxaa cabsi iyo welwel ku abuurmay tirada sii kordhaysa oo ka mid ah Shaqaalaha Maraykanka, kuwaasoo wakaac ka muujiyay horumarinta tiknoolajiyadda leh ”Caqliga Macmalka ah” ee AI (Artificial Intelligence) ay maalin uun u qoonsan doonto shaqadooda, sida ay Bloomberg sheegtay, iyada oo soo xiganaysa sahan ay samaysay Harris Poll ah oo uu u xilsaaray  Ururka Shaqaalaha Maraykanka (ASA)…

Sadaal iyo sahan la sameeyay ayaa daaha ka rogeysa in 47% jawaab bixiyaasha ka mid ah ayaa isku raacay in mashiinnadu ay si fudud u bedeli karaan shaqaalaha, Tanina waa koror la taaban karo  marka laga bilaabo 2017-kii, markaasoo sahanku uu muujinayey kaliya 27%, sida lagu qoray Sahanka waxaa hubaal ah in Warshadaha ay mustaqbalka dhow ay hoos u dhigi doonaan Shaqaalahooda, waxaana ugu nugul Shaqaalaha Xaaladaha Caafimaad ku jira.

Ku darsoo Shaqaalaha Da’da yar, Dadka Madowga, iyo Latin-ka ah ayaa waxay u muuqdaan inay yihiin kuwa ugu walaaca badan in shaqooyinkooda laga qaato, iyadoo qiyaastii 55% ka mid ah Generation Z iyo Millenialis-ku ay hubaan in shaqooyinkooda laga qaadan karo, Waa dabcan dadka kala dhashay min 80 ilaa dhamaadkii 90meeyadii, halka Dadka Cadaanka ah ee Maraykanka ayaa u muuqda kuwo aan ka welwelsan aaladda AI, iyadoo in ka yar 40% ay sheegeen inay qabaan cabsi qabaan.

272830cookie-checkMaxaa Kala Heysta Aalada “Caqliga Macmalka-AI) & Shaqaalaha Qeybaha Wax soo saarka ee Warshadaha…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com