Ciidamada USA Oo Hoos u dhigay Duqeymaha Dalalka qaarkood

Somalia news

Warbixin ay soo saartay Hay’adda lagu magacaabo Airwars ayaa lagu sheegay in boqolkiiba 54 ay hoos u dhaceen weerarrada diyaaradaha iyo drones-ka Ciidamada Maraykanka sanadkii ugu horreeyay ee Maamulka Madaxweyne Biden…

Warbixinta ayaa lagu xusay in tiradii ugu hooseysay ee duqeymaha Mareykanka tan iyo sannadkii 2004, Madaxweyne Joe Biden ayaa isbeddel ballaaran ku sameeyay weerarada cirka ee uu Maraykanka kula dagaalamayo kooxaha xagjiriinta, kadib markii hay’addaha u doodda xuquuqda Aadanaha ay walaac ka muujiyeen khasaaraha dadka rayidka ah.

Tirada weerarada duqeymaha ee uu Maraykanku ka geysan jiray Afghanistan, Syria, Iraq, Somalia iyo Yemen ayaa hoos u dhacay 439 sannadkii hore, marka loo eego 951 ee 2020, Airwars ayaa sidaas ku sheegtay war-saxaafadeed ay soo saartay dhawaan.

Bishii August ee sannadkii hore ayaa ugu dambeysay duqayn uu Maraykanku ka geysto Soomaliya, waxayna ahayd markii uu duqeeyay saldhig  Alshabaab ku lahaayeen tuulada Camaara ee Mudug ee koonfurta Mudug, Halkaasoo ciiddamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay ka wadeen guluf ka dhan ah kooxda Argagixisada Shababka.

160050cookie-checkCiidamada USA Oo Hoos u dhigay Duqeymaha Dalalka qaarkood