Dagaal-Siyaasadeedka Deni & Kooxda Aaran-jaan ee Puntland Halkee ayuu Saldhigan doonaa

Somalia news

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo shalay daahfurey tababar loo qabtey Golayaasha Degaanada Doorashada ku yimid iyo arrimaha dimoqraadiyadda kaasoo lagu qabtey magaalada Garoowe, ayaa ka hadlay Qodobo dhowr ah oo xasaasi ah kuwaasoo aad u taabanaayay arrimaha Doorasahada iyo Xisbiyada dowlad degaanka…

Khudbadii uu Madaxweynuhu halkaasi ka jeediyey ayuu si weyn ugu duurxulay ugana hadley kooxdii soo dhistey isaga ee Aaran-jaan ee ay hadda kala irdhoobeen isla markaana xabbadu isugu cabeysan tahay, wuxuuna carabka ku adkeeyay in ”koox gaar ah oo wada socotaa ma maamuli karaan Puntland”, ”waxaa jira dad siyaasadda u soo gala iney ka shaqaystaan, waxaana ka digayaa kuwa u soo gala iney siyaasadda ka macaashaan ha furtaan meherado kale oo gaar ah iyo ganacsiyo”.

Wararka ayaa sheegay in Khilaafkaan uu soo shaac baxay kadib markii uu Xildhibaan Cali Xoosh oo ka tirsan Kooxda Aaran-jaan uu bilaabey weerarka ka imaanayey kooxda, waxaana uu mar sii horeysey Madaxweyne Deni ku tilmaamey nin iimaankii ka tegay, sida uu wax u doonaayana aysan u soconeyn.

Dhanka kale waxaa la isweydiinayaa kooxda Aaran-jaan sidee midnimadoodii iyo isku xirnaanshahoodii noqon doonaa, iyadoo ay muuqato xiligaan in Wasiirka Maaliyadda (Xasan Abgaal) oo kooxda ka tirsan uu doonaayo xilkiisa sii haysto ilaa la gaarayo wakhtiga uu ololihiisa doorashada ku dhawaaqayo maadaama aanu saaxibadiisa hoose damaciisa ka qarin.

Todobaadkaan ayuu Madaxweynuhu xilkii ka qaadey Cabdiweli Seed Wasiir kuxigeenkii Xanaanada Xoolaha, Wasiiru dowlihii Madaxtooyada oo labaduba xiriir dhaw la lahaa Maxamuud Shiddo, oo farxad hoolka Baarlamaanka la ilmeeyey kadib doorashadii Saciid Deni, sidoo kale waxaa shaqadii Madaxtooyada baneeyey Cabdiweli Timacadde oo kamid ahaa kuwa ku xiran Aaran-jaan.

213070cookie-checkDagaal-Siyaasadeedka Deni & Kooxda Aaran-jaan ee Puntland Halkee ayuu Saldhigan doonaa