Mareykanka Oo Soo Saaray Liiska Horjoogayaasha Shababka ee lagu Raadjoogo

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa bayaan ka soo baxay Dowladda Mareykanka ayaa lagu shaaciyay tiro magacyada Horjoogayaal ka tirsan kooxda argagixisada Shababka kuwaasoo lagu daray liiska Kooxdaani kadib markii lagu laayay duqeyn tiro badan oo Horjoogayaal ah…

Xogtaan ayaa sheegtay in Horjoogayaashani oo ka howlgala xafiisyada Siyaasada iyo arrimaha Gobolada, Howlgelinta Amniyaadka Kooxda iyo xiriirka Kenya,

-Horjooge Maxamed Mire Madaxda Siyaasada iyo Gobolada

-Cabdikariim Horseed Horjoogaha Dhaqaalaha

-Horjooge Yaasir Jiis, oo hoos taga kuxigeenka guud ee Shababka (Horjooge Abuukar Aadan Cali),

-Horjooge Yuusuf Axmed Nuurow (Geesa cadde), Qeybta Amniyaadka.

-Mustaf Caato la-taliyaha Horjoogaha guud.

-Maxame Maxamuud Aadan oo qaabilsan howlgelinta Kenya.

Dhowaan ayeey aheyd markii Dowladda Mareykanka ay shaaciyeen Magacyada 10-xubnood oo Soomaali ah oo lagu eedeeyay iney ka fududeeyaan (Caawiyaan) dhinaca dhaqaalaha iyo uruurinta baada, iyadoo lagu soo rogay xayiraad iyo cunaqabateyn, waxaana looga digay Muwaadiniinta Mareykanka iyo Soomaalida iney dhaqaale u diraan Kooxda argagixisada.

221190cookie-checkMareykanka Oo Soo Saaray Liiska Horjoogayaasha Shababka ee lagu Raadjoogo
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com