Ciidamo Carqaladeeyay Gudoomiyaha Aqalka Sare

Somalia news

Kolonyo Gaadiid ah oo uu la socday Gudoomiyaha Aqalka Sare Mr.Cabdi Xaashi ayaa la sheegay in lagu carqaladeeyay Isbaarada Ilaalada Ururka Boliiska Dableyda Madaxtooyada u taal agagaarka Golaha Murtida iyo Madadaalada Ee Magaalada Mogadishu….

Wararka ayaa sheegay iskudayga carqaladeynta oo ay sameeyeen ilaalada Madaxtooyada ayaa la sheegay inuu dansansi uu ka dambeeyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, iyadoo muddo lagu hakiyay Gudoomiye Cabdi Xaashi iyo Kolonyada galbineysa.

Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa ku sii jeeday Xarunta Xalane hoteel ku dhex yaal, iyadoo Shir ay ku lahaayeen Isbaheysiga Badbaadada Qaranka, Pro.Kabire oo ka tirsan aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa sheegay in Falka Ilaalada Madaxtooyada ay aheyd dandaansi uu ka dambeeyo Farmaajo, iyagoo isku haya soo xulista Xildhibaanada Waqooyiga, wuxuuna ku sifeeyay beegsi iyo cabsi gelin lagu hayo xubnaha Badbaadada Qaran.

104270cookie-checkCiidamo Carqaladeeyay Gudoomiyaha Aqalka Sare