Xaalad Caafimaad Oo Adag Ayaa Laga Soo Sheegayaa Gobolada Bay..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Gobolada Bay iyo Bakool ayaa sheegaya in Xaalad adag oo ka dhalatay Cudurka safmareenka ah ee Coronavirus ayaa ka taagan Guud ahaan Gobolada Bay iyo Bakool, iyadoo la sheegay inuu laba kacleeyay mowjadda 2aad Ee cudurka covid-19….

Wararka ayaa sheegaya in Magaalada Baydhabo ayaa aad laga dareemay saamaynta xanuunka, waxaana aad u korodhay tirada dadka xanuunkaasi ugu geeriyoonaya Xarunta Gobolka Bay, iyadoo la sheegay in bishii February oo keliya ay 200 oo Bukaano ah ay xanuunka ugu geeriyoodeen Magaalada Baydhabo.

Saraakiisha Caafimaadka ee ka hawlgala Magaalada Baydhabo ayaa ku waramaya in dhimashada ay aad u korodhaay saddexdii toddobaad ee ugu dambeysay, maalintiina ay tobonaan qof xanuunka ugu geeriyoodaan magaaladaasi.

Dhanka kale Guddiga La-socodka Xaaladaha COVID-19 ee Koonfur Galbeed ayaa Isniintii shalay soo saaray awaamiir deegaanada Koonfur Galbeed looga mamnuucaayo gaadiidka Dhaweeyaha iyo Bajaajta sababo la xiriira cudurka, ku darsoo guud ahaan labada Gobol kama shaqeeyaan Ambalaasyada Caafimaadka.

104240cookie-checkXaalad Caafimaad Oo Adag Ayaa Laga Soo Sheegayaa Gobolada Bay..