Ciidamo Dhibaato Ku Haya Dhalinyarada Muqdishu

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga helayaa Ciidamo dharcad ah oo lagu daadiyay Degmooyinka ka tirsan Gobolka Benadir, kuwaasoo dhibaatooyin, cabsi gelin iyo xarig ku haya Dhalinyarada Degen Degmooyinka Gobolka, Ciidamadaan ayaa la sheegay iney isugu jiraan kuwa Eritrea lagu soo tababaray, laba Kaarlayaasha ah una shaqeeya Hey’adda NISA iyo Sirdoonada Kooxaha argagixisada Shababka Iyo Daacishta Somalia…

Warbixino hordhac ah oo Warsidaha Diinah.com loo dusiyay ayaa tilmaamaya in labadii Todobaad ee ugu dambeeyay uu si qarsoodi ah u socday Howlgalo iyo dhaqdhaqaaqyo loogu daadgureeyay Ciidamo Hubeysan guriyo ku yaal Xaafadaha Xamar Jadiid (Wardhiigley), Towfiiq (Yaaqshiid), Black Sea (Hodon), Warshada Baastada ( Heliwaa), iyo Dayniile.

Ciidamadaan oo isugu jira kuwa laga keenay Eritrea iyo Kuwa Shababka ah ayaa la sheegay iney aad u Hubeysan yihiin, waxaana loogu talo galay iney fuliyaan dilal qorsheysan iyo afduub, Kooxahaan ayaa u degan guryahaasi sida dad rayid ah, iyadoo laga kireeyay Ganacsato gacan saar la leh Saraakiil sare oo Dowladda Federaalka.

Ciidamadaan oo tiradoodu lagu qiyaasay ilaa 1500-Xubnood, waxeyna wataan Gaadiid aan taargo laheyn iyo Mootooyinka, Afkana Waa u duuban yahay, waxaana la sheegay iney Guryaha ugu dhacaan Dhaliyarada Xaafadaha si degan oo qaarkood la Xiray halka kuwo kale la sheegay in hanjabaado joogto ah loo geystay.

Wararka Ayaa sheegay in tiro badan oo dhalinyaro ah la afduubtay kuwaasoo ku xiran Xabsiyo gaar ah oo Hey’adda NISA leedahay, waxaana lagu siidaaya Madax furasho dhaqaale iyo damaanad adag.

78180cookie-checkCiidamo Dhibaato Ku Haya Dhalinyarada Muqdishu