Ciidamo Gadood Ka Sameeyay Degmada Jowhar

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga soo Ciidamo ka tirsan kuwa Boliiska ee gaarka u tababaran loona yaqaano Haramcad, ayaa gadood ka sameeyay Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeelada Dhexe, Ciidamadaan ayaa ka cabanaaya Daryeel La’aan…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah .com news u xaqiijisay in ilaa 50-askari oo ka tirsan Ciidamada loo yaqaan Haramcad ee la geeyay magaalada Jowhar xilligii doorashada Hirshabelle ayaa maanta sameeyay gadood, iyagoo xirtey waddo muhiim u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka. Ciidankan ayaa doonaya in dib loogu celiyo magaalada Muqdisho.

Xiligaan kala guurka ah ayaa waxaa aad u soo kordhaaya cabashada Shaqaalaha iyo Ciidamada Dowladda Federaalka kadib markii dhamaan laga jartay Dhaqaalihii lagu kacbi jiray Miisaanada Dowladda, waxaana lagu sababeeyay inuu Farmaajo ka gaabiyay inuu Dalka ka qabto Doorasho dadban oo wadar oggol ah.

119040cookie-checkCiidamo Gadood Ka Sameeyay Degmada Jowhar