Ehelada Dhalinyaradii Loo Qaaday Eritrea Oo Dibadbax Dhigay

Somalia news

Waalidiinta iyo Ehelada Dhalinyaradii loo qaaday Dalka Eritrea ayaa Maanta Banaanbaxyo cabasho ah ka dhigay fagaaraha Daljirka dahsoon ee Magaalada Mogadishu, waxeyna cod dheer ku dalbadeen in Dowladda Federaalka ka hadasho Xaalada Dhalinyaradaan la askareeyay….

Hooyooyinkaan Ayaa Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday (Farmaajo), ka dalbaday inuu ka hadlo mugdiga ku gadaaman Dhalinyaradaan kuwaasoo tababaro loogu qaaday Dalka Eritrea, iyadoo welwelka ugu weyn Waalidiintaan ayaa ah in Dhalinyaradaan loo adeegsaday Dagaalka sokeeye Ee Ethiopia, isla markaasna qaarkood la sheegay in Dhaawacyo iyo Dhimashaba ka soo gaartay Dagaalkaasi oo ka dhacay Gobolka Tigray.

Ma ahan markii ugu horeysay ay Hooyooyinkaan dhigaan banaabaxyo ay ku weydisanayaan Dowladda Federaalka iney jawaab cad ka bixiso halka ay ku dambeeyaan Dhalinyaradaan, waxey shaki ka qaadeen amusnaan Saraakiisha Dowladda Federaalka iyo iney si dash furnaan ah u qaabilaan Guddiyada Waalidiinta.

119010cookie-checkEhelada Dhalinyaradii Loo Qaaday Eritrea Oo Dibadbax Dhigay