Xarunta Baarlamaanka Oo La Dul Dhigay Ciidamo Cabsi Gelin Ah

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah aya laga helayaa Ciidamo Hubeysan oo isugu jira kuwa Boliiska Dableyda Madaxtooyada iyo kuwa dharka cad ayaa la dhigay Xarunta Baarlamaanka Federaalka, halkaasoo lagu wado inuu ka hadlo Wasiirka 1-aad Ee Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo, iyadoo uu ka furmay Kulan ay leeyihiin Xildhibaanada Wakhtigoodu dhamaaday…

Kulankaan oo ajandihiisu yahay akhrita 3-aad Ee wax ka bedelka Sharciga Waxbarashada Heerka 1-aad, Heerka 2-aad iyo Tacliinta Sare Ee Somalia, sidoo kale waxaa ka mid ah Warbixin ku saabsan waxqabadkii 100-ka maalmood Ee Dowladda Federaalka.

Iyadoo warar kale ay sheegayaan in tiro badan oo Xildhibaano ah ay ka soo horjeedaan tegitaanka Mr.Rooble iyo hadal jeedintiisa, waxeyna sheegeen inuu ka gaabiyay howlaha loo igmaday, islamarkaana aan loo baahneyn inuu horyimaado Baarlamaanka.

Is-jiidjiid iyo Dood dheer kadib waxaa la sheegay in lagu heshiiyay in la baajiyo Tegista Baarlamaanka Ee Wasiirka 1-aad, warar aan la xaqiijin ayaa sheegay in Teegeerayaal xitaa la soo geliyay Xarunta Baarlamaanka, talaabadaan ayaa u muuqata mid lagu cabsi gelinaayo Xildhibaanada Mucaaradka ah, isla markaasna lagu ansixyo muddo kordhin aan sharci ku fadhin.

93220cookie-checkXarunta Baarlamaanka Oo La Dul Dhigay Ciidamo Cabsi Gelin Ah