Seminaar Loo Qabtay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Africa (ATMIS)..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Mogadishu ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Ciidamo kale oo ka tirsan howlgalka ATMIS ayaa tababbar ku saabsan sirdoonka, xuuraanka iyo sahanka, (ISR)  loogu qabtay xarunta Xalane…

Ciidamadaan oo gaarayay 32-askari oo ka kala tirsan Hogaanka Sirdoonka iyo Sahanka ee XDS iyo ATMIS ayaa si gaar ah loo baray duruus la xiriirta hanaanka loo uruuriyo Sirdoonka, Sahanka, Xuuraanka iyo lid-xuuraanka cadawga ka soo horjeeda, Seminaarkaan Ciidamadaan isku dhafka la siiyay waxaa soo diyaariyay Khubaro taageerada hawlgalka ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMST) iyo adeegga tignoolajiyada Goobta ee Hay’adda Qaramada Midoobay.

Iyadoo qeybahaan Ciidamada tababarka usoo dhammaaday ayaa la siiyay shahaadooyin cadeynaaya casharada ay barteen, waxaana lagu dardaarmay iney ku shaqeeyaan duruusta la baray gaar ahaan dhinaca sirdoonka iyo sahanka.

189770cookie-checkSeminaar Loo Qabtay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Africa (ATMIS)..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com