Heshiis Hordhaca Oo Laga Gaaray Khilaafkii Jubbaland

Politics

Labadii maalin ee ugu dambeeyay Waxaa ka socday magalaada Naiorbi ee dalka Kenya kulan u dhaxeeyay Mas’uuliyiibtii Jubbaland ee uu khilaafku ka dhaxeeyay, Kulankaasi oo looga dooday sidii loo soo af jari lahaa Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Mas’uuliyiinta sheegtay in iyagana la doortay…

Shirkaan oo ay soo qabanqaabisay dowlada Kenya ayaa waxa ku kulmay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Sheekh Axmed Madoode, Cabdinasir Seeraar iyo Cabdirashiid Xidig oo uu wehliyo gudoomiyahiisa Baarlamaanka Shiikh Dahir.

Kulanka  oo wajigiisii horay socday mudo saacado ah ayaa waxa la isla gartay in la soo afjaro gabi ahaanba qilaafkii u dhaxeeyay madaxda, qilaafkaas oo ka dhashay doorashadii sanadkii hore ka dhacday Jubbaland.

Dhanka kale heshiiskaan ayaa waxa soo dadajiyay Dowlada Fedaraalka oo ku balan furtay kooxda isbadal doonka iyagoo ka waayay taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed si ay u sii wadaan dagaalka ka dhanka ah Axmad Madoobe.

Heshiiska la filayo in dhowrka cesho ee soo socda in  lagu kala saxiixdo magalaada Nairobi ayaa waxa uu soo afjarayaa khilaafkii daba dheeraaday ee u dhaxeeyay madaxda Dowlad Goboleedka Jubblanad.

Sidoo kale waxaa markii ugu horeeysay Jubbaland ka soo wajahayo Maamulka Farmaajo iyo kooxaha uu ku shaqeysto mucaarad xoogan oo hal aragti ka qaba maamulkiisa Fashilka ah, kuwaasoo ay ka go’aan tahay iney si buuxda ula dagaalamaan, hadii uusan muddo gaaban ku Keemun qorshe cad oo la xiriira iney Dalka ay ka dhacdo doorasho.

25250cookie-checkHeshiis Hordhaca Oo Laga Gaaray Khilaafkii Jubbaland