Ciidamo La Wareegay Amaanka Xarunta Xildhibaanada

Somalia news

Wararka hordhaca ah ee laga helaayo Magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Ciidamo gaar ah oo katirsan Boliiska Puntland ay habeenimadii xalay la wareegeen xarunta Baarlamaanka Puntland ee Magaalada Garoowe, xilli maalmihii ugu dambeeyey xiisado xoogan ka taagnaa….

Talaabadaan ayaa soo baxday kadib markii qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka ay dacwad u gudbiyeen Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, iyagoo ugu baaqeen inuu waxka qabto Amniga Xarunta Baarlamaanka, waxeyna a ku Eedeeyeen in Ilaalada Guddoomiyaha Baarlamaanka ay Xaruntaasi u afduuban tahay.

Dhanka kalena, Xildhibaanada ayaa waxay ku eedeeyeen Guddoomiyaha Baarlamanka in Ciidamada horay u joogay xarunta ay ahaayeen kuwo uu ku caburinayay Xildhibaanada ka aragtida duwan, isla markaana u adeegaya guddoomiyaha.

Ciidamada Boliiska ah ayaa waxaa ay dhamaan la wareegeen Goobihii ay ku sugnaayeen Ciidamada laga wareejiyay, waxaana loogu talo galay inay sugaan Amniga Xarunta Baarlamaanka Puntland ee Magaalada Garoowe.

76160cookie-checkCiidamo La Wareegay Amaanka Xarunta Xildhibaanada