Xaflada Xil wareejinta Madaxtooyada & Xiisadaha ku Gedaaman

Somalia news

Madaxweynaha Somalia Mr.Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu Isniinta soo socota la wareego Xafiisyada Villa Somalia, iyadoo ay soo shaac baxaayaan warar is khilaafsan oo ku aadan xil wareejinta inkastoo ay so socoto qabanqaabada dardar gelinta munaasabada…

Sida ilo wareedyo loo qaateen ah Warsidahaan Diinah.com news, u sheegeen, xubno ka tirsan Howl-wadeennada Xafiiska Farmaajo, xafladda xil-wareejinta ayaa hore loo qorsheeyay in ay dhacdo maalinta Isniinta ah, oo ku beegan 30-ka May, hayeeshee, Madaxweynaha cusub ayaa amray in xafladda la soo hormariyo, waxaana la isku raacay inuu 23-ka la wareego xilka.

Ka hor Kulanka Farmaajo Xasan Sh. maxaa Dhacay:-

Xogtaan ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu laba jeer uu iskaga daba noqday Villa Somalia, markii hore hore wuxuu yiri Farmaajo “Xoogaa waan xanuunsanahay waqti hala isiiyo aan ku nasto”, waa laga diiday, Laba maalmood kadib ayuu Farmaajo u yeeray Xasan Sh. wuxu ku yiri “Vilada Waxa dagan sadex ciidan oo kala duwan Ururka Boliiska Dableyda, Duufaan iyo kuwa Xoogaga Wadaniyiinta, waxaan soo jeedinayaan iney sidooda u daganaadaan oo aad kula wareegtid, Xasan Sh. oo ka anfariiray codsigaasi ka diiday wuxuuna si cad ugu sheegay “Ciidamada waxa lagu kala darayaa Boliiska iyo Xooga Dalka, mana sii joogayaan Vilada.

Mr.Xasan Sheekh, ayaa laga soo xigtay “Waxaan ka baqay iney qorsheeyaan iney ku talo xumeystaan gunaandkooda RW Rooble, sidaas ayaanan ugu diray UAE inuu ka soo qeyb galo munaasibada duugta Madaxweynihii hore ee UAE si aysan u dhicin musiibo.

Farmaajo ayaa xalay bilaabay inuu alaabta ka rarto Villa Somalia, wuxuuna degay Guri ku yaal wadada Garoonka diyaaradaha una dhaxeysa Xarunta UNDP & Hoteel Jasiira, bixina ka xiga Hoteel Shabeel oo uu xiligaan degan yahay Xasan Sheekh, Gurigaan ayaa wuxuu Farmaajo ku kireystay Bishii 5000 US$ bishii, waxaana degenaa Mr.Qorqor intii uu socday ololaha Doorashada, waxaana lagu wargeliyay (Qorqor) inuu ka guuro guriga.

189860cookie-checkXaflada Xil wareejinta Madaxtooyada & Xiisadaha ku Gedaaman
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com