Dagaal Khasaare Geystay Oo ka Dhacay inta u Dhaxeysa Degmada Laas caanood & Tuulada Guumeys..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saaka ka dhacay Duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, Dadka Rayidka ayaa la sheegay iney ku waabariysteen Dhawaqa rasaasta..

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Ugu yaraan 8-Qof ayaa ku geeriyootay in ka badan 10 kalena waa ku dhaawacmeen dagaal xooggan oo saaka ka dhacay inta u dhexaysa Laascaanood iyo Gumeys, Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii lagu qabsadey Gaari Zuu-23mm oo kamid ah hubkii laga qabsaday Maleeshiyaadka Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaasi ka dhacay nawaaxiga Maraaga kadib markii Xoogag hubeysan oo ka soo baxay Tuulada Guumays oo watay gaariga Somaliland laga furtay ay jid-gooyo u dhigteen Maleeshiyaad kale taasi oo isku dhaca sababtay.

Dagaalka ayaa saacad ka hor joogsaday waxaana Maleeshiyaadka ka yimid Guumays u soo gudbeen dhinaca Gambare oo ay hadda ku sugan yihiin sida ay noo sheegeen goob-joogayaal.

299920cookie-checkDagaal Khasaare Geystay Oo ka Dhacay inta u Dhaxeysa Degmada Laas caanood & Tuulada Guumeys..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com