Djibouti Air Oo Ku Degtay Garoonka Garoowe

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa shil diyaaradeed oo ka dhacay Garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe, waxaana saaka ka dhacay shilkaasi gashay diyaaradda Djibouti Airline oo kamid ah diyaaradaha duulimaadka tooska ah ka taga Degaanada Puntland….

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay Diyaaradaan oo ka soo duushay magaalada Muqdisho ayaa dul martay magaalada Garoowe iyadoo ay u muuqatey mid cilladaysan qiicna siidaynaysa, waxaana ay si deg deg ah u caga dhigatay garoonka diyaaradaha Garoowe.

Mid kamid ah maamulka shirkadda diyaaradaha ee shilkaan gashay ayaa xaqiijiyey in cilad timid awgeed ay shirkaddu shil gashay haseyeeshee shaqaalihii iyo rakaabkii ay nabad qabaan aysanna jirin cid waxyeelo ka soo gaartey.

“Diyaaradda Airjabouti oo shil ku soo gaaray Garow Airport. Alxamdu lillaah dhamaan rakaabkii iyo shaqaalihii waa nabadqabaan” ayuu daabacay mid kamid ah mas’uuliyiinta Garoowe u fadhiya shirkadda diyaaradaha ee Djabuti u fadhiya magaalada Garoowe.

76200cookie-checkDjibouti Air Oo Ku Degtay Garoonka Garoowe