Ciidamo Loo Daabulaayo B/Xaawo..

Politics

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Ciidamo dheeraad ah iyo hub loo qaaday Maanta Magaalada Doolow ee Gobolka Gedo, kadib markii uu dagaal 6-saacadood socday uu ka dhacay degaankaasi.

Waxaa lasoo sheegayaa in dagaalka uu xoogiisa uu istaagay Salaadii Casir markii la adimayey balse weli la isku hayo Dhabarka dambe ee Xerada Bp1 Ee Wasiir Janan hoyga u aheyd dhinaca Mandheerana ku taalla.

Ciidamada Dawlada Soomaaliya ayaa la sheegay inay inta badan la wareegeen Xeradaas, waxaana jira Gaadiid la kala gubay, waxaana degaanka ka taagan xaalad cabsi colaadeed,

Waxaa la ogeyn khasaaraha inta uu la eg yahay balse dhimashada ayey 50 Ka badan tahay dhaawacana tiro xadidan lama hayo, waxaana la sheegay in Dhaawacyo tiro badan (40) galabta loo soo qaaday Magaalada Muqdisho uuna ka mid yahay Horjoogihii Maleeshiyaadka Kooxda Farmaajo lagu magacaabo C/saaq Max’ed Daa’uud.

Ciidanka Xoogga dalka Somaliya oo isugu jira Haramcad, Gor gor & Danab, ayaa qayb ka ah dagaalka, waxaana ay la dagaalamayaan Ciidamada Jubbaland ee Daraawiishta.

Wararka ayaa sheegaya in Dowladaha Qatar iyo Ethiopia ay qeyb ka yihiin dagaalada Diyaaradaha Ciidamada Qatar ayaa maanta ciidamo gurmad ah ka qaaday Magaalada Muqdisho waxeyna ka dejisay Magaalada Doolow, halka Ciidamo Oromo ah ay ka qeyb galeen dagaalkii maanta.

19960cookie-checkCiidamo Loo Daabulaayo B/Xaawo..