Dibad-baxyo looga soo horjeedo duqeymaha Israel oo ka dhacay Dalal Badan

Somalia news

Dibad-baxyo balaaran oo ka dhan ah duqeymaha Ciidamada Yuhuuda ayaa siddoo kale ka dhacay dalal badan oo caalamka ah, waxeyna dalbanayeen in si deg deg ah loo joojiyo Xasuuqa lagu hayo Shacbiga Reer Falastiin, Iyadoo Ciidamada Dalka Israeli ay adeegsanayaan Gantaalo Iyo Madaafiicda si ay u burburiyaan Magaalada Gazza…

Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada London, kuwaas oo ka soo horjeeday duqeymaha ka socda dhulka Falastiin, waxaana dadkan ka mid ahaa muslimiin badan oo ku nool dalka Britain, iyagoo socod ku tagay fagaaraha kasoo horjeeda safaaradda ay Israel ku leedahay magaalada London.

Dhanka kale, Dowladaha ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa shir ka yeelanaya maanta oo Axad ah xiisadda dagaal ee socota marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin, waxaana shirka ku baaqay boqortooyada Sucuudiga.

118940cookie-checkDibad-baxyo looga soo horjeedo duqeymaha Israel oo ka dhacay Dalal Badan