Share the post "CPJ oo Warbixin ka soo saartay Beegsiga 41 Wariye si loo Caburiyo Warbaahinta.."
Warbixin ay soo saartay Hey’adda CPJ ayeey ku xustay in Saxafiyiinta Somalia ee dhibaateysan ayaa weli dhibaato iyo tacdiyo kala kulmaaya howlgallada ay wadaan Hey’adaha Amaanka, iyadoo ugu yaraan 41 ka mid ah shaqaalaha warbaahinta la xiray, la dhibaateeyay, ama la cabsi geliyay bartamihii bishii March sanadkaan..
Tan iyo markii Madaxweynaha Somalia wuxuu ku dhawaaqay “dagaal guud” oo ka dhan ah Argagixisada Shabaabka kadib doorashadiisii 2022, Dowladda waxay isku dayday inay faafreeb ku sameyso wararka kooxda xagjirka ah ee “fikirka xagjirnimada”. Iyadoo ay sii xumaaneyso xaaladda amni, kooxda Shabaabka ayaa dhowaan qarax ka geysatay agagaarka kolonyo gaadiid ah oo Madaxweynaha galbineysa xili uu ku sii jeeday furimaha dagaalka, isla markaana ay weeraro ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda, Villa Somalia waxey sare u qaaday dadaallada lagu xakameynayo hadalada bulshada.
15-kii bishii hore ee Maarso ayay aheyd markii Xoogag ka tirsan Hey’adda Nabadsugida ay weerar ku qaadeen Hoyga Wariye Bahjo C/llaahi Salaad oo ka tirsaneyd Telefishinka RTN ee Somali TV, kadibna ay xabsiga dhigeen, Maamulka ayaa muddo afar saacadood ah u qabtay muuqaal TikTok ah oo hadda la tirtiray, kaasoo ay kaga hadashay dhibaatada Qashinka ee Gobolka Benaadir.
18-kii bishii March ayay aheyd markii Ciidamada Boliiska ay weerareen Xafiisyada Idaacadda Risaala, kadib markii ay Idaacadda sii deysay muuqaalo muujinaya goobtii lagu weeraray Kolonyada Madaxweynaha, waxaana muddo kooban xabsiga loo taxaabay 5-Wariye, Saraakiishu waxay si kooban u haysteen ugu yaraan 17 saxafi oo kale oo iyaguna ka warbixiyay weerarka.