Xarunta Madaxtooyada cusub ee Galmudug oo Xariga laga jaraayo

Somalia news

Iyadoo la soo gebagebeeyey dhismaha xarunta cusub ee Madaxtooyada Galmudug oo laga hirgeliyay magaalada Dhuusamareeb, Dhismaha oo ka kooban qeybo kala duwan oo u badan Xafiisyo, Hoolala shirarka iyo hoyga Madaxweynaha ayaa waxaa ku baxay Malaayiin US$ sida ay sheegeen Xubno ka tirsan Maamulka…

Madaxweynaha Dowlada Federaalka oo xalay ku hoyday magaalada Dhuusamareeb, uuna wehliyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa la filayaa iney maanta xariga ka jaraan dhismaha cusub.

Madaxweynaha Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo qaar ka mid ah xubnaha golihiisa wasiirada oo haatan degan xaruntii ay Dhuusamareeb ku lahaayeen kooxdii ahlu suna waljameeca ayaa la filayaa iney beri wixii ka dambeeya u guuraan madaxtooyada cusub.

226350cookie-checkXarunta Madaxtooyada cusub ee Galmudug oo Xariga laga jaraayo
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com