Farmaajo Oo Ku sii Jeeda Magaalooyinka Garoowe & Laas Caanood

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa Safar qorsheysan ee Madaxweynihii hore Mr.Farmaajo uu ku doonaayo inuu dhawaan ku gaaro Magaalooyinka Garoowe iyo Laas caanood, Ujeedada ayaa lagu fasiray sidii sidii uu kulamo ula qaadan lahaa Maamulada SSC iyo Puntland..

Khubarada ku xeel dheer Arrimaha Siyaasada gudaha ayaa tilmaamay in Dowladnimada Somalia oo soo jiitameysay ilaa 2006-dii ay ka dhaqaaqi la’dahay kooxaha Siyaasiyiinta danley ah kuwaasoo Khilaafka dhexdooda joogto noqday ujeedo fogna aan laheyn, laga soo bilaabo ilaa Maamulkii KMG ee Cabdullaahi Yuusuf ilaa Maanta (Xasan Sheekh) waxaa soo taxnaa ineysan jirin Siyaasada oo Kooxahaan ku heshiiya sidii Jirjiroolihiina maalinba midab lasoo baxa.

Hogaankii Laalushka lagu doorto wuxuu xooga saaraa sidii Kooxdiisa u naas nuujin lahaa Xilalka ugu tixi lahaa, wuxuuna iska indha tiraa Qabyo tirka Dastuurka, Mideynta & isku wadkii Shacbiga isagoo xooga saara kala qeybinta Shacbiga, ku darsoo hadii shalay dagaal siyaasadeed ka dhaxeeyay waxaad arkeysaa iney Maanta Isbaheysi dhisanayaan taasina Siyaasada fadhida ma ahan.

Kulamada Dhinacyadaan Danta isku riixday ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro habka qardajeexa ah ee lagu hagaayo Dowladnimada Dalka gaar ahaan wax ka bedelka Dastuurka oo doodiisu ka socoto Baarlamaanka Federaalka, inkastoo diyaarinta Dastuurka uu qaatay wakhti dheer (18-sano) loona baahan yahay in si deg deg ah loo dhameystiro.

315040cookie-checkFarmaajo Oo Ku sii Jeeda Magaalooyinka Garoowe & Laas Caanood