Mas’uuliyiin cusub Oo Loo Magacaabay Agaasinka Canshuuraha Beriga ee Wasaarada Maaliyada..

Somalia news

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Maaliyada ayaa lagu magacaabay Agaasimaha Iyo Kuxigeenkiisa ee Canshuuraha Beriga kadib markii Maamulka Villa Somalia ay oggolaatay magacaabistaan KMG ah, iyadoo uu xilkaan muddo 7-sano iyo dheeraad uu hayay Agaasimihii Baxsaday Muxyadiin Xasan Juris (Saabeey)..

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Mr.Saabeey ay Villa Somalia u fasaxday inuu Diyaarad uu soo kireystay kana qaado Garoon ku yaal duleedka Degmada Jowhar, Diyaarada ayaa ka dejisay magaalada Nairobi, iyadoo Mr.Muxyadiin lagu soo oogay Kiis-dhaca Hantida Shacbiga iyo dakhliga Canshuuraha Beriga, sida la xaqiijiyeyna uu Magaalada Mogadishu ku leeyahay tiro Dhismayaal ah.

Agaasimaha cudub ee la magacaabay si KMG ah (Cabdinaasir Cabdullaahi) iyo kuxigeenkiisa waxey ka soo wada jeedaan Beesha Madaxweynaha inkastoo kuxigeenka ay qaraabo hoose yihiin Agaasimihii Baxsaday, iyadoo uu Madaxweynuhu uu bilihii ugu dambeeyay waday Olole la dagaalanka Musuqa, waxeyna magacaabistaan ka horimaaneysa in Cadaalad, Aqoon iyo Waayo argnimo lagu soo xusho jagooyinka Muhiimka ah ee Wasaaradaha iyo Wakaaladaha.

264440cookie-checkMas’uuliyiin cusub Oo Loo Magacaabay Agaasinka Canshuuraha Beriga ee Wasaarada Maaliyada..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com