Deni Oo Magaalada Garoowe Ku Sii jeeda & Isku Shaandheynta Maamulkiisa

Somalia news

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Deni, ayaa lagu wadaa inuu maalinta Axada dib ugu soo laabto Magaalada Garoowe, kadib markii uu muddo ku sugnaa magaalada Nairobi ee Dalka Kenya…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Mr.Saciid Deni uu isbedel ku sameyn doono xubno ka mid ah Golihiisa Wasiirada, Madaxa Hey’adda Sirdoonka iyo Hogaanka Maxkamada Ciidamada Puntland, isbedelkaan ayaa la filayaa inuu dhaco maalinta Isniinta soo socota.

Wararka ayaa sheegay in Wasiirka Maaliyada Mr.Xasan Shire oo ka tirsan xubnaha ugu firfircoon ee Kooxda (Aaran-jaan) uu durbadiiba diyaariyay Istaqaaladiisa, kadib markii uu ka gaabiyay inuu muddo 2-bilood ah uusan bixin Gunooyinka Shaqaalaha iyo Ciidamada Puntland wuxuuna ka mid noqonayaa Mas’uuliyiinta xilkooda weyn doona.

191220cookie-checkDeni Oo Magaalada Garoowe Ku Sii jeeda & Isku Shaandheynta Maamulkiisa