Shacbiga Magaalada Mogadishu Oo U Jiheysatay Dib U Xoreynta Caasimadda

Somalia news

Magaalada Mogadishu ayaa u muuqata mid mid u jiheysatay dagaal mar kale iney iskaga xoreyso Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo, kadib markii uu muddo kororsi sharci darro uu sameystay, iyadoo saansaanta Colaadeed iyo isku diyaarinta dagaalada ay gaartay heerkii ugu sareeyay lagana dareemay guud ahaan Magaalada….

Dareenka colaadeed ayaa soi shaac baxay kadib markii uu xalay Saadiq John uu degay dabaqyada Naaji Ee ku dhow Xarunta Wasaarada Gaashandhigga iyo Guutada 14-aad Ee Degmada Hodon, waxaana Khabiirada Ciidamada ku tilmaameen aag difaac oo kala jari kara Wasaarada Gaashandhigga iyo Madaxtooyada, sidoo kale Ciidamo uu Hogaanka u hayo Sarkaal lagu Magacaabo Koronto ayaa xalay dhaqdhaqaaq ka bilaabay waqooyiga Magaalada Mogadishu.

Saadiq John ayaa la sheegay inuu ku hubeysan yahay 25-Gaadiidka dagaal oo 6-ka mid ahi ay ku deeqeen Midowga Musharixiinta, Sarkaalkaan ayaa wada abaabul Ciidan iyo mid dadweyne, Ciidamadiisa ayaa isku balaariyay degmooyinka Hodon iyo Howlwadaag, iyadoo la sheegay in Ciidamo gurmad ah uga soo socdaan dhanka Gobolada Shabeelooyinka.

Sarkaalkaan ayaa lagu tilmaamaa in Ciidamada saldhigyada Boliiska Gobolka ay taabacsan yihiin, iyadoo durbadiiba ay soo shaac baxeen Wararkaasi kadib markii Uu Fashilmay in xalay weerar lagu qaado ayna hogaaminaayeen Adeege Fahad iyo Jiis-Mareexaan, waxaana socda Isbedel guud oo lagu sameynaayo Saraakiisha Ciidamada saldhiggyada Boliiska iyo NISA.

Ilo wareedyo ayaa u xaqiijiyay Diinah.com in Maalmaha soo socda ay Hogaamiyayaasha Midowga Musharixiinta oo ku uruursan agagaarka garoonka Diyaaradaha ay ka guuri doonaan halkaasi, iyagoo degi doona aagag cusub oo Magaalada Mogadishu, geediga cusub ayaa qeyb ka ah Abaabul xoogan oo ay wadaan Midowga Musharixiinta lana doonaayo in laga xoreeyo Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo.

111060cookie-checkShacbiga Magaalada Mogadishu Oo U Jiheysatay Dib U Xoreynta Caasimadda