Dabley Gaadmo ku Dilay Mas’uul Hore uga Tirsanaa Maamulka Konfur Galbeed..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dil qorsheysan oo xalay Mas’uul horay uga tirsanaa Maamulka Konfur galbeed loogu gaystay Degmada Shibis ee Gobolka Benaadir, kaas oo ay toogasho ku dileen Dabley hubeysan goobtana ka baxsaday, sida laga soo xigtay goob joogayaal ka ag dhawaa Goobta…

Wararka ayaa sheegaya in Marxuumka la dilay lagu magacaabi jiray Cali Cumar Gaab, wuxuuna ahaa Xildhibaan hore oo ka tirsanaa Koonfur Galbeed, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo loo qaateen, Gacan ki dhiiglayaaahs dilka gaystay oo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa la sheegay inay weerar gaadmo ah kiu dileen marxuumka, kadibna baxsaday.

Maleeshiyaadka kooxda Argagixisada Shababka ayaa sheegatay mas’uuliyada dilka, sida ay ku faafiyeen Bartooda bulshada, Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed oo ku aadan dhacdadaasi iyo sheegashada Shabaabka.

323630cookie-checkDabley Gaadmo ku Dilay Mas’uul Hore uga Tirsanaa Maamulka Konfur Galbeed..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *