Ma Dhabaa in Mooshin ka dhan ah Gudoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka laguna Bedelaayo Faarax Sakiin

Somalia news

Guux Siyaasadeed oo mug leh ayaa maalmahaan ka taagan Magaalada Mogadishu, kadib markii dhinacyo badan oo Xikdhibaano ah is uruursaday ay bilaabeen iney dhaqaajitaan mooshin dhan ka ah Gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Sacdiya Salaad…

Dhinacyada Mooshinkan wada ayaa ku midaysan in Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka laga dhigo  Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo la filayo in uu dhowaan ku biiro Baarlamanka islamarkaana ku soo baxo kursiga HOP#86, iyadoo mooshinka Xildhibaanad Sacdiya inuu soo shaac baxo maalmaha u dambeeya Bishaan Decembar.

Dhanka kale waxaa taagan xiisado iyo doodo kale oo ka dhalatay Gunno dhimis lagu sameeyay ilaalada iyo shaqaalaha Xildhibaanada Golaha Shacabka, iyadoo ay xusid mudan tahay in hore Mooshin kordhin mushaar ah ay Xildhibaanada u gudbiyeen Guddoonka Golaha Shacabka ee BFS.

228780cookie-checkMa Dhabaa in Mooshin ka dhan ah Gudoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka laguna Bedelaayo Faarax Sakiin