Kulanka Iclaamisay Villa Somalia Oo u Muuqda Mid Baaqanaya

Somalia news

Shirka berri 4 March uu Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaaday Mr.Farmaajo ku dhawaaqay haddii uu qabsoomi waayo waxaa uu noqonayaa markii saddexaad oo muddo bil gudahood ku dhici waayo Shir uu isugu yeeray DFS iyo DG oo aanay Puntland iyo Jubbaland ka soo qeyb gelin tan iyo markii muddo xileedkiisa uu dhammaaday 8 February….

Mr.Farmaajo ayaa horay u iclaamiyay 15 bishii hore ee Febraayo shir ka dhici Garowe, kaddib markii uu fashilmay shirkii Dhuusamareeb, Puntland ayaa ku gacan seyrtay inuu shirkaas ka dhaco Garowe, taas bedelkeed waxay soo jeedisay inuu ka dhaco Muqdisho, iyadoo uu baaqday kulankaasi.

Sidoo kale Farmaajo ayaa soo saaray war saxaafadeed uu shir isugu yeeray dowlad goboleedyada 18-19 Febraayo ayuu muddeeyay shir ka dhici doona Muqdisho, inkastoo xilligaas Muqdisho ka jireen xiisado siyaasadeed iyo bannaan baxyo ay iclaamiyeen Mucaaradka, ku dhawaaqida shirkaas ayaa loo arkayay inuu uga gol lahaa si uu bannaan baxa Musharxiinta meesha uga saaro, balse wax aan la fileyn ayaa dhacay oo ahaa dhacdadii habeenkii 19 Febraayo ee lagu weeraray Hotelkii ay degenaayeen Madaxweynayaashi hore iyo subixii jimcaha oo lagu rasaaseeyay dibad baxii ay horboodayeen Musharaxiinta.

Xeeldheerayaasha Arrimaha gudaha ayaa ku tilmaamay Dhawaaqyadaan ka soo baxa Madaxtooyada Villa Somalia, ay u muuqdaan kuwo leerta ay qaado, waxaana lagu sababeeyay in Madax adeyga Farmaajo oo si soo boodo ah u soo saara Baaqyada Kulamada, isagoo aan marka hore ka tala gelin Xubanahaau khuseyso iyo gacan yarayaashiisa.

99100cookie-checkKulanka Iclaamisay Villa Somalia Oo u Muuqda Mid Baaqanaya