Ma Dhabaa in Wada hadal hoose oo ay u Dhaxeeyaan Saraakiil Villa Somalia ka tirsan & kuwa Maamulka Somaliland…

Somalia news

Sida ay ogaadeen Wariyayaasha Warsidaha Diinah.com news waxaa soo shaac baxaaya Wada hadalo Qarsoodi ah oo horumar laga gaaray uu u dhaxeeya Saraakisha Villa Somalia iyo Maamulka Gooni goosadka ee Somaliland, Wada hadalkaan ayaa waxaa garwadeen ka ah Saraakiil ka tirsan Xafiiska Madaxtooyada Djibouti…

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in iyadoo la isla meel dhigay halkii laga xoojin lahaa Nidaamka Federaalka Dalka, waxaa si hordhac ah lagu heshiiyay in lagu maamulo heshiis siyaasadeed oo salka ku haya Waqooyiga iyo Konfurta Dalka ee Confederation, Halka Awdal State iyo SSC-Khaatumo ay ka tirsan yihiin Waqooyiga Dalka (British-Somaliland), Puntlandna sidaas oo kale ay meesha ka baxayso oo ay ka mid noqon doonto Konfurta Dalka (Italian-Somalia).

Khubarada Arrimaha Gudaha ayaa ku tilmaamay in Marka la eego khibrada wada hadalka ee Maamulka kooxda Dami jadiid Xasan oo aan lahayn han-siyaasadeed, ku darsoo kooxda oo dhexdeeda ka muuqato kalsooni-darro ka dhex aloosantay, iyo caqabadaha ka dhalan kara heshiis-siyaasadeed oo mugaasi le’eg, oo ay weheliso diyaar-garowga iyo Abaabul Maleeshiyaad ee Somaliland ka waddlo jiidaha hore ee Sool, iyo tirada gadiidka dagaalka, waxaa ku soo baxaaya in Maamulka Villa Somalia ay qeyb ka yihiin Colaada Gobolka Sool.

279320cookie-checkMa Dhabaa in Wada hadal hoose oo ay u Dhaxeeyaan Saraakiil Villa Somalia ka tirsan & kuwa Maamulka Somaliland…